Cuntooyinka dabiiciga ah ee
kelyaha kadhigo kuwo caafimaad qaba.
cun Cunno nafaqo leh oo ka kooban fitamiino iyo macdano.
tobankan cunto ee dabiiciga ah ayaa kaa caawin doona nadiifinta iyo kasaarida sunta kilyahaaga!
Kelyuhu waxay qabtaan hawlo badan oo lama huraan ah oo jidhka dhexdiisa ah laga bilaabo xakamaynta cadaadiska dhiiggaaga ilaa ay lafahaaga ka dhigaan kuwo adag oo caafimaad qaba.
Waxay ku yaalliin qafiska feeraha hoostooda, kelyahaagu waxay mas'uul ka yihiin inay qashinka ka saaraan jirka.
Markaad cuntid khudrad badan biyo badana cabtid waxeey kuu sahleeysaa ineey caloosha kuusocoto .
kelyahaaguna waxay noqon doonaan kuwo is-nadiifinaya.
Cunto sax ah iyo jimicsi joogto ah ayaa kaa caawin kara inaad ka fogaato dhibaatooyinka kelyaha ee mustaqbalka.
10 Cunto oo Si Dabiici Ah U Nadiifiyo Ugana Saaraayo Kelyahaaga wasaqda Waa kuwan =
1. Barbarooniga Gaduudan.
2.Kaabashka.
3.Sanjibiisha
4.huruuda
5. Toonta .
6.kabsarta.
7. Tufaaxa.
8.strawberry .
9. Saliid Saytuun.
10. qaraha .
Waxaa jira noocyo kala duwan oo cudurrada kelyaha ah , laakiin kan ugu caansan waa cudurka kelyaha ee daba-dheeraada ee loo yaqaano (CVD). Tani waa xaalad wakhti dheer ah oo aan soo roonaaneynin waqti ka dib. Caadi ahaan waxa sababa dhiig karka.
Dhibaatooyinka kale ee kelyaha kudhaca waxaa ka mid ah =
1.dhagxaanta kelyaha.
2. caabuqa kaadi mareenka
3.glomerulonephritis, waa caabuqa tubooyinka ee kelyaha.
Dad badan ayaan la kulmin calaamadaha cudurka kelyaha ilaa marxaladaha dambe oo kalyuhu noqdaan kuwa hool gabo AMA in eey kalyuhu ku fashilmaan shaqadooda ama ay jiraan borotiin badan oo kaadida soo raaco
. Calaamadaha cudurada kelyaha waxaa ka mid noqon kara kuwan soo socda:
1.maqaarka oo Qalalan
2.maqaarka oo ku cuncuna
3.kaadi badan
4. kaadida oo ku gubta
5. Daal/ tamar yari
6. Kaadi xumbo leh
7. kaadida oo kaa baxsata
8. Lugaha iyo anqawyada oo ku barara.
siyaabaha aad ku dhimi karto halista
aad ku qaadi karto dhibaatooyinka
kelyaha waxaa ka mid ah:
1. jimicsiga , Jimicsigu wuxuu muhiim u yahay ilaalinta xididdada dhiigga, wadnaha, iyo kolestaroolka.
2.Sigaarka , ha cabbin Sigaarku waxa uu dhiigga ku shubaa sunta dhaawacda kelyaha iyo xubnaha kaleba.
3.biyo badan cab,Biyo la'aantu waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee keena dhagxaanta kelyaha.
4. Iska ilaali kafeega badan kaas oo ku fuuqbixin kara waxaana kaa bixi domino macdano badan iyo fosfooras aad u badan.
5.Ka fogow cuntooyinka aadka loo warshadeeyey iyo kuwa la sijiley , Kuwaas waxaa ku jira xaddi badan oo dufan ah,waliba dufanka noociisa xun.
6.iska ilaali sonkorta, iyo cusbada kuwaas oo kordhiya culayska hore ee kelyahaaga. Waxa kale oo ay gacan ka geysan karaan cayilka, cudurrada wadnaha, iyo dhiig karka.

0 Comments