ads

𝗫𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝗹𝗸𝗮𝗵𝗮 (𝗗𝗲𝗻𝘁𝗮𝗹 𝗕𝗿𝗮𝗰𝗲𝘀)

 𝗫𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗶𝗹𝗸𝗮𝗵𝗮 (𝗗𝗲𝗻𝘁𝗮𝗹 𝗕𝗿𝗮𝗰𝗲𝘀)



Dhakhaatiirta ku takhasustay ilkaha waxay ku taliyaan xirida ilkaha  si loo toosiyo laaguna celiyo booskoodii  waxayna caawinaysaa arimo badan oo ay ka mid yihiin :


1- Bilicsamida afka oo qurxoonaado.

2- Burburka ilkaha iyo suuska oo yaraado maadaama si fudud loo nadiifin karo ilkuhuna aysan isqarinayn.


Wax cunista qofka iyo goysmada ilkaha oo wanaagsanaato

Waxaa jiro cuntooyin loo baahanyahay  inaad iska xadidid ama joojisid mudada ay ilku kuu xiranyihiin  maxaa yeelay qaarkamid ah cuntooyinka waxay dhaawici karaan xariga ama dabarka ku xiran ilkaha


Sidoo kale waxay kala kaxayn karaan oo kala fujin karaan ilkaha iyo braces-ka ku xiran.


Wakhtiga ay ilkuhu xiranyihiin (braces) si guud waxaa loo bahan yahay in aanan ilka loo isticmaalic alaad ahaan sida in wax lagu qaniino ama wax lagu gooyo  sidoo kale in aan lagu burburin laguna ruugin cuntooyinka adag.


cuntooyinka laga fagaanayo mudada ilkuhu xiranyihiin (dental braces) :


1. Saloolka ama daangada (popcorn).


2. Miraha bahda lowska (nuts).


3. Macmacaanka adag sida nacnaca : (hard candy).


4. Biisa-ha lagu daray macmacaanka : (pizza crust) .


5. Bagels : Rootiga yaryar oo wareegsan badanaana dhexda ka daloola dusha iyo dhexdana isku si uga adag.


6. Ruugida  khudaarta sida tufaaxa iyo karootada.


7. Bustuga adag  : (hard crackers) .


8. Ruugista barafka iyo jalaatada .


9. Chips : Bataatiga kidfan ee la shiilay .


Nafaqada iyo caafimaadka


S𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan. 


              🙏𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃𝐒𝐀𝐍𝐈𝐃🙏

Post a Comment

0 Comments