ads

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀

 𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.

  


Babaayga  waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  wuxu qani ku yahay oo aad ugu badan vitaminC sido kale waxa ku jiro xaddi dhexdhexaada oo ah folate iyo vitaminA.


1. Wuxuu  xoojiyaa difaaca jirka  : xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro babaayga  wuxuu  sare u qaadaan difaaca jirka.


2. Wuxuu  yareeyaa  infekshanka jirka iyo caabuqa  :  fiitamin c  wuxu  ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya  , feyruska  iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.


3. Wuxuu  ka hortagaa dhiig yarida :waxaa ku jiro  fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb waayo samaysan iyo kobcida unugyada dhiigga cascas.

 

4. Wuxuu  ka qayb qaataa bogsashada  dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.

 

5. Wuxuu u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka  collagen oo  ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.


6. Wuxu  u fiicanyahay dheef shiidka caaloosha : waxa ku jiro dheecaan layiraah papain kaas oo kaqayb qaato  hanaanka dheefshiidka.


Dadka uu u fiicanyahay isticmaalka babaayga :


- Dadka difaaca jirkoodu yaryahay.   

- Dadka in infekshank-ka iyo caabuqa qabo.

- Dadka calool-fadhiga leh.


Siyaabo kale duban ayaa u isticnaali kartaa babayga sida in aad marsi qeybha kala duban jirka sida: wajiga iyo jirka qeybahiisa kale.


- inyar in aad shiido ayaa 2 qaando Ama macalgo malab ah ku dareysaa dabadeedna wajiga ayaa marinysaa sida Maska ha.


- sidoo kale cabitaan ahaan ayaa u cabi kartaa.


- sidoo kale babayaga asiga oo sidisa ahna waa cuni kartaa.


Digniin:


Babayga uma wanaagsno Hooyada uurka leh gaar ahaan bilaha hore Ee uurka.


Babaayga  ayaa sababa in murqaha minka si adag isugu imaadan oo ay soo daatan uurjifka ku jiro minka eyag oo  aan wali bila dhameysan.


Taas waxaa ugu wacan maada loo yaqaano papain Ee laga helo babaayga.

maadadaan ayaa qalada ama wax ka badasha horamonka loo yaqano prostaglandins kaaso ka qeyb qaato foosha..


𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 u-𝗱𝗵𝗲𝗵  𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan. 


              🙏𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃𝐒𝐀𝐍𝐈𝐃🙏Asc 

Post a Comment

0 Comments