ads

si fudud isaga baabi'i nabraha || wajiga saliida leh

 Wajiga Saliidda Leh Waxyaabo La Mariyo:





Liin iyo yogrut:


Laba qaaddo oo yogrt (caana garoor) ah iyo liin dhanaan biyaheeda isku qas, kadibna mari wajiga oo nadiif ah, 20 kadibna ka dhaq, isbuucii 1 jeer.

Labaduba waxay yareeyaan in uu wajiga soo saaro saliidda badan ee la dhibsanayo.


Moos,malab iyo liin:

Mooska waxaa ku jira Vitamin A,B, iyo E.

Wuxuuu mideeyaa midabka wajiga, wuxuuna ka saaraa nabraha.

🔹️Jeex moos ah oo aad u bisil farkeetada kusoo jejebi oo ku soo miir liin dhanaan, qaaddo malab ahna ku dar.


🔹️Wajiga oo nadiif ah mari oo sug 30 daqiiqo.

🔹️Biyo caadi ah kusoo dhaq kadibna marso kareen wajigaaga u fiican.

🔹️Waxaa marsan kartaa isbuuci 2 jeer waayo aad buu ugu leeyahay faa'iidooyin badan wajiga leh dufanka ama saliidda.

Yaanyada(tamaandhada):

Yaanyada waxay aad ugu fiicantahay wajiga saliidda leh, waxay ka saartaa oo ay dhalaalisaa saliidda waxayna isku keentaa ama yareysaa daldaloolada muuqdo ee wajiga.

🔹️Soo miir hal ama labo xabo oo yaanyo ah oo biyaha dhexda kaga jira marso wajiga.

🔹️Ka dhaq 10 daqiiqo kabacdi.

🔹️Isbuucii 3 jeer iyo ka badan waad sameyn kartaa.


Boorashka (shuufaanka):


Wuxuu yareeyaa daldaloolada wajiga kuwaasoo soo saara saliidda, saliidda badan ee wajiga waxay sababtaa in ay nabro badan kasoo baxaan wajiga, wuxuu ka ilaaliya wajiga laalaabta, wuxuu 


Wuxuu ka saaraa wajiga dhibcaha madmadow ee sanka dushiisa ah.


2 qaaddo oo boorashkaa ah + qaaddo rose water ah+ qaaddo caano ah + qaaddo liin ah +Qaaddo haafkeeda oo leebito ah.

🔹️Intaas isku qas oo 20 daqiiqo kadib ka dhaq.

Boorash 2 qaaddo oo waaweyn + jeex liin ah + qaaddo malab ah +  caano 

intaas isku qas kadibna 30 daqiiqo kadib ka dhaq.

Boorash + caano:

boorashka shiid oo budo ka dhig kadibna caanaha ku dar ee mari 20 daqiiqana ka dhaq.


Boorash+Loos+yoghrut:

Boorashka iyo 7 xabo oo loos ah isku soo shiid, kadibna caanaha yogrtka la dhaho ee dukaamada lagu gado hal qaaddo kaga darso, kadibna u sug 30 daqiiqo oo ka dhaq.


Boorashka ku darso waxaa doonto oo aad heli karto, sida khal ama rose water ama caano. 


Ama bahasha lagu shiido qorfaha iyo sisinta ku shiid ama isagaaba dhalaalaya oo jileec nooqonaya haddii caano lagu shubo oo wax yar loo sugo.


share dheh wall. 

Post a Comment

0 Comments