Dhabar xanuun cid kasta waa ka sheekataaa ee ma isku aragtay dhabar xanuun ?
Araxadda ayaan ka kici wayey si wanaagsan uma foorarsan karo,waxaan ka dareemaa xanuun aad u daran waa Astaamaha lagu garto dhabar xanuunka.
Dhabarka waa meesha ugu muhiimsan jidhka marka loo fiirsho socodka,jiifka iyo marka wax culus la qaadayo inta badan waxaa la isticmalaa murqaha dhabarka.
Haddii uu jirado dhabarka,waxaa luma socodka iyo dhaqdhaaqa jidhka sababtoo ah jidhka waxaa isku haya murqaha dhabarka iyo lafta dheeer ee ku tararsan dhabarka, waana xubin aad muhiim u ah jidhka.
Maxaa keena dhabar xanuunka ?
Waa su,aal muhiim ah in la is weydiiyo waxa keena dhabar xanuunka lakiinse dadka dhabarka laga hayo sadax ayey isku qaldaan lafta oo dhawac soo gaara iyo murqaha dhabarka oo is gala waxaana saddaxeya neerfaha oo jug soo gaarta
Waxyaabaha keeni kara
✓Jug soo gaarta dhabarka,jugta waa wax dhib badan waxaa laga yabaa mudo dheer kaddib in uu soo kacdo jugta ,jugta waxay noqon kartaa kufitaan aad kuftay ama wax kaga dhacay sida ul,shil gaari iyo wixii la mid ah,
✓Wax culus oo la qaado,caaddiyan qofka hadii uu wax culus qaado waxaa dhawac soo gaari kara murqaha iyo seedaha dhabarka ee isku haya.
✓Xanuunka arthritis iyo osteoarthritis oo ah xanuuno ku dhaca lafaha iyo iskoosyada waxay kalifi karaan dhabar xanuun in mudo ku haya haddii aan la daweyn.
✓Dhabarka waxaa ka baxa neerfayaal badan oo kala aada jidhka haddii uu bukoodo mid ka mid ah wuxuu siidayaa xanuun laga daremi kara dhabarka qeybta danbe ilaa lugta
✓Herniated disk waa xanuun lagu arko dadka qaba dhabar xanuunka
✓Dhalmadda badan waxay horseedi kartaa dhabar xanuun raaga oo soo noqnoqda
𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗵𝗮💙𝗞𝗲𝗲𝗻𝗮💙𝗗𝗵𝗮𝗯𝗮𝗿💙𝗫𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮💙𝗜𝘆𝗼💙𝗦𝗶𝗱𝗮💙𝗚𝘂𝗿𝗶𝗴𝗮💙𝗟𝗼𝗼𝗴𝘂💙𝗗𝗮𝘄𝗲𝗲𝘆𝗼
Dhabar xanuunka, back pain, dhabar xanuun, miskaha Dhabar xanuunka ma ahan jirro ama xanuun ee waa astaan ay yeelan karaan xannuuno badan oo kala gadisan. Caadi ahaan dhabar xanuunku wuxuu tilmaamayaa dhibaato ka jirta seedaha, muruqaha, dareemaysha iyo lafaha saameeya laf dhabarka, sidoo kale waxay caalaamad u tahay mararka qaar xanuun ku dhaca xubnaha sida kilyaha ama sambabaha iyo xubnaha u dhowba.
Qeybta hoose ee dhabarka waa meesha ugu badan ee dadka qaba dhabar xanuun ay ka sheegtaan, dhabarka waxa uu ka kooban yahay murqo, seedo, xidido, lafo iyo neerfo. hadii qaybaha uu ka kooban yahay dhabarku ay soo gaarto ama lasoo daristo xaalad caafimaad waxaa imaanaya xanuun. in badan oo kamid ah bulshada ayaa ka cawda xaaladdaan, walow uu ku badan yahay dadka shaqeeya xiliyada ama waqti badan, waxaana loo aanayn karaa fadhiga tirada badan ama fadhi la’aan waqti dheer ah.
𝗠𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝗮𝗿 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻?
Sababaha ugu badan ee xanuunka dhabarka waa dhaawac iyo dhibaatooyin la xariira qaab dhismeedka jirka. Qeyb kamid ah qaab dhismeedka jirka oo cilad soo gaarto waxay abuuraysaa xanuun saamaynaya dhabarka oo dhan ama qayb kamid ah, waxayna ku xiran tahay hadba intay waxyeeladeedu la egtahay. sababaha qaar waxaa ka mid ah:
Dareemaha oo ka taga xudunta ka hoos
Kansar ama buro ka soo baxda dhabarka
Caabuq fangas ama bakteeriya oo dhabarka haleesha
Fadhiga tirada badan ama taagnaanshaha waqtiga dheer
Dhaawac ama jug soo gaarta seedaha, murqaha ama neerfayaasha dhabarka
Xanuunada ku dhaca kilyaha qaar ka mid ah ayaa saamayn ku yeelan kara dhabar xanuunka.
𝙎𝙞𝙙𝙚 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙜𝙖𝙧𝙩𝙖𝙖 𝙞𝙣 𝙡𝙖𝙜𝙖𝙖 𝙝𝙖𝙮𝙤 𝘿𝙝𝙖𝙗𝙖𝙧𝙠𝙖?
Dadka dareema dhabar xanuunka inta badani malahan astaan ama calaamad kale oo wehlisa, waxayna ka cawdaan dhabar xanuun, dadka qaar ayaa leh astaamo sida daal iyo dhaqdhaqaaq la’aan waxayna ku xiran tahay qaab-dhismeedka ama xubnaha cilladu saamaysay. Waxaa inta badan la arkaa astaamo ay kamid yihiin:
Awood la’aan sida in qofku uusan si toos ah u istaagi karin
Xanuun aad moodo in wax kugu taagan yihiin oo dhabarka ilaa lugta hoos laga dareemaya
Dareen culeys oo laga daremo dhabarka qeybta hoose
Hadii aad isku aragto ama aad leedahay mid ama qaar kamid ah astaamahaan hoos ku qoran in ka badan 72 saac, waxaa lagama maarmaan ah inaad booqato dhakhtar, waayo waxay ka turjumi karaan xanuuno keeni kara ama ay ka dhalan karto khataro kale oo caafimaad sida:
Kaadida oo aadan xakameyn karin
Kabuubyo labada lugood amaba mid
Dhabar xanuun kasii daraya habeenkii
Misaanka oo luma sabab la’aan (adiga oon isku dayin inaad dhintid culeyskaaga)
Qandho joogta ah oo ay lasocoto dhabar xanuun.
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗯𝗮𝗮 𝗴𝘂𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗿𝗲𝘆𝗲𝗲𝗹𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝗮𝗿 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮?
Iskala bixi Marka aad gurigaada joogto Meel siman ee aan duseyn dul dul ugu seexo oo jilbahaga soo laab, Taasi waxey kaa saacideysaa in uu dhabarkaaga Si fudud Ugaaro qulqulka Dhiiga kana dhigeyso inaad Dareento Nasiimo, ku samee jimicsi dhabarkaaga adigoo ilaalinaya qaab dhismeedka iyo toosnaanta dhabarkaaga toosi qaabka aad u fadhiisato oo dhabarkaaga toosi kana ilaali cadaadiska ka dhasha fadhiga aan fiicnayn, marka dhabarka uu xanuuno, waxaa fiican in la jiifsado oo barkin ladhigo lugaha hoostooda.
Ma ahan markasta oo uu dhabarka ku xanuuno in ay tahay dhaawac waxaa dhacaysa mararka qaar in aya tahay hab nololeedkaaga iyo shaqada aad qabato oo ku saaaraya walwal iyo walaac kaa tan badan. naftaada walwalka ka ilaali .
hadii aad leedahay dhabar xanuun oo aad ku xakamayn wayday qaab shaqsi ah, waxaa haboon inaad Sida ugu dhaqsiyaha badan ugaarto dhaqtar, dhabar xanuunku kama yimaado oo keliya, shaqada iyo qaab nololeedka ee waxaa jira xanuuno saamayn ku yeelan kara dhabarka. Jimicsiga iyo dhaqdhaaqa ayaa daawo aan la dhayalsan karin u ah dhabarka iyo guud ahaan jirka.
Mar waliba aad farisato Ama ad fadhi kushaqeyso inyar istaag oo dhaqdhaqaaq samee mar waliba aad socoto ama aad taagnaato In badan Aayar Usexo dul dul Illaa iyo 15daqiqo.
Waxan filaa inaad kaheshay Cashirkaan Fadlan share gareey.
Talo guud
Haddii uu xanuunka aheen lafta dheer ee dhabarka waxaa muhiim ah in aad sameysid jimcsi joogta ah ,sidoo kale waxaa muhiim ah in aad raadsatid physiotherapist oo si fiican u kala yaqaan murqaha dhabarka.
Qabkee iska daweyn kartaa adiga oo Gurigaada jooga
Marka aad dareenitid xanuun daran waxaad isticmaali kartaa xanuun baabiye sida Paracetamol, ibuprofen, DICLOFENIC iyo creamada la mariyo dhabarka sida Vicks
Sidoo kale waxaad isticmaaali kartaa biyaha Kulul ee boorsada lagu shubo adigoo ku haynaya dhabarka..
Markastana ku xirnoow dhakhtarka kugu dhawo...
✓✓✓✓ Sii shargaree ✓✓✓✓ Gaarsii Asxaabtaada✓✓

0 Comments