ads

#cuduro halis ah oo lagu daaweeyo sabiibka#faaiidooyinka caafimaad ee sabiibka

 Shan Faaiido Zabiibku Kaga Fiican Yahay Cuntooyinka Kale



1. Dhiig la'aanta

Zabiibka wuxuu ka hortagaa dhiig la'aanta sababtoo ah waxaa ku jirta maadooyinka iron, copper, potassium, magnesium iyo vitamins oo muhiim u ah dhiiga gaar ahaan dadka dhiig la'aanta qaba


2. Finanka

Cunista zabiibka si maalinle ah waxay kaa dhigaysaa mid da'diisa ka yar muuqaal ahaan, wuxuu liishe ka dhigaa maqaarka wuxuuna meesha ka saara finanka iyo haaraha wajiga


3. Gaaska iyo saxarada

Zabiibka wuxuu jilciyaa saxadada wuxuuna dajiyaa gaaska sababtoo ah waxaa ku jirta Potassium, Iron, Vitamin C iyo Folate oo muhiim u ah dheefshiidka iyo saxarada


4. Stress-ka iyo walwalka

Zabiibka wuxuu dajiyaa neerfaha wuxuuna yareeya walwalka iyo stress-ka sababtoo ah waxaa ku jirta maadooyinka Thiamin, B6 iyo B12 oo muhiim u ah neerfaha iyo maskaxda


5. Foosha

Zabiibka waa mid ka.mid ah waxyaabaha fududeeya foosha waxaana ku jira maadooyin muhim u ah dhiiga sida Iron sidoo kalw.zabiinka hooyad auurka leh inta ay cunayso waxaa adag in dhiigeeda hoos u dhaco wuxuu sidoo kale hooyada ka ilaaliyaa dilanka iyo dhiciska.


Faa'iidooyinka caafimaad ee ku duugan cunista sabiibka halkaan ka aqriso =


Cunista sabiibka waxaa laga helaa faa'idooyin caafimaad oo aad u badan balse waxaan isku dayayaa inaan halkaan kusoo bandhigo dhowr qodobood oo mihiim u ah ilaalinta caafimaadka:


1) Sabiibku wuxuu muhiim u yahay caafimaadka qabka indhaha iyo soo celinta aragkooda


2) Sabiibku waxa uu ka hor tagtaa miid miidka ku dhacda wajiga xiliga duqnimada iyo qarinta astaamaha lagu garto duqnimada


3) Sabiibku waxa uu adkeyaa xoogna uu u yeelaa ilkaha, waxa uuna ilkaha ka ilaaliyaa burburka iyo Suuska ku yimaada


4)Sabiibku waxa uu sare u qadaa xasuusta, fahamka iyo xifdinta, waxa uuna u roonyahay dadka aan wax xifdin karin


5) Sabiibku waxa uu kor u qaadaa unugyada dhiigga cas cas (Red blood cells)


6) Sabiibka waxa laga helaa awood aan caadi aheen, haddii aad sabiib cuntid adoon daalin ayaad shaqooyinka oo dhan qaban kartaa


7) Sabiibku waxa uu xoojiyaa murqaha wadnaha waxuuna kor u qaadaa caafimaadkiisa


8) Sabiibku waxa uu ka hor tagaa Cirrada ama timaha Cadtaada


9) Sabiibku waxa uu jirka oo dhan ka saraa sunta ku jirka


10) Sabiibku waxa uu ka hortagaa cudurka kansarka


Share dheh si dad  badan ooga faaiideystan.

Post a Comment

2 Comments

  1. Waw Mansha Allah

    ReplyDelete
  2. Asc wall waxan raba inan nasaha raga wax ka weydiyo nambarkaga iireb please waa codsi

    ReplyDelete