ads

Iska Daaweey Baabasiirka Adoo Gurigaaga Joogo

 #Baabasiirka 

        #Haemarrhoids



Waa maxay Baabasiir?

Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir. 

#Baabasiirku waxuu udhici karaa noocydaan:

1-mid gudaha ah (internal)

2-mid banaanka ah(external)

3-gudaha iyo banaanka labadaba wuu qabi karaa (internoexternal).


#Maxaa Sababa


Wax yaabaha ugu badan ee sababa waxaa ka mid ah: biyo aan si fiican loo cabin, fadhi badan, Uurka, da’da (dadka ugu badan oo uu saameeyo xanuunkan ayaa kawayn da’da 50sano), fuuqbax joogta ah, calool istaag, saxarada oo adkaata ama waqti badan oo aan la saxaroon, fadhiga tirada badan, cayilka, dadka galmada ka sameeya futada, iyo dhaxalkuba waa qodobada ugu muhiimsan ee sababa baabasiirka.


Calaamadaha lagu yaqaano waa:


*Cuncun agagaarka futada

*Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo

*Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib

*Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada

*Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

* fadhiga oo qofka dhiba,

*Awooda ragnimo ee daciifto(Galmo).

Heerarka baabasiirka uu maro:

1)Heerka kowaad: waxaa jira dhiig oo kali ah oo lagu arko marinka,

2)Heerka labaad: futada oo kuus soo bixiso balse iskeeda ayee ulaabataa.

3)Heerka sadaxaad: Futada oo kuus soo bixiso balse waxay ubaahantahy in laceliyo, iskeed uma laabaneyso.

4)Heerka Afaraad: Futada o kuus soo bixiso marnaba laabaneynin, (permanently prolapsed) Qater, xanuun joogto.


#Daawada:

Daawada inta badan xanuunkan waxaa lagu xalin karaa qaabab aan daawo ahayn, waxaana kamid ah in labadsado cunada fiberka leh sida salad-ka iyo in la cabo biyo badan, micnaha saxarada uu jilciyo si ay caloosha udhaqaaqdo, hadii uu qofku leeyahay fuuqbax waxaa lagama maarmaan ah inuu dhakhtar la tashado. Hadii heerka xanuunkaan yahay mid aan intaasba waxba ka qaban karin waxaa badanaa lagu xaliyaa qaab qaliin ah.


#Dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii aan la daawaynin: (Complications):

*Dhaawac

*meesha kuusan inay xeraan xididada kadibna ay dhintaan (Gangrene).


Talo bixin:

Baabasiirka waa xaalad si fudud ku imaan kara oo si fudud ku xalismi kara, mana ahan waxa ay soomaalida ka aamin san yihiin oo ah wax laga xishoodo oo dhib ah, ogoow baabasiirku ma ahan cudur ee waa astaan inta badan ka tarjunta inuu jirku hayo biyo yari ama in qofku uu suuliga ku jiro waqti dheer oo ka dhasha calool istaag, hadii aad isaga shakisan tahay inuu ku hayo baabasiir ku xali inaad cabto biyo kugu filan iyo sidoo kale inaad yareyso fadhiga badan.


Waxaa muhiim ah in qofku uu cuno cunooyin isu dheelitiran, khaasatana uusan ka tagin cunooyinka fiberka leh, uuna cabo biyo badan (3litir maalintii), docoshada ah in xoog la isaga keeno saxarada waxay khatar ku tahay xidida futada oo dilaaca waxaana hagaagsan inaan la sameyn docosho saaid ah. Samee jimicsi, yaree cayilkaaga, aad suuliga marwalba oo aad dareento in saxaro ku hayso iskuna day inaad biyo cabto saxarada kahor.

Post a Comment

0 Comments