ads

 #Bura_biyood (ovarian cyst

 #Bura_biyood (ovarian cyst)



Bura biyoodku waa qeyb yar oo bararta kuna aruuraan biyo oo ka samaysanta ugxaanta.

Waa xaalad aad u badan samaysantana xiliga wareega caadada.


#Nuucyada bura biyoodka

Waxaa ugu caansan laba nuuc

1.   Burada ukunta xiranta (follicular cysts) waxa ay dhacdaa buradaan marka ugxaanta ukunta ay samaysay ku soo deyn weyso tubooyinka si ay u bacrinto ama dhiiga caadada loogu badalo markaa ukunta qaangaartay ee aan la soo deyn ayaa isu badalaysa buro biyood bararta oo ku samaysanta ugxaanta keentana in caadada uu qalqal ku yimaado .

2.   Burada dahaarka (corpus luteum cysts) marka ugxaantu ukun qaangaar ah soo saarto kadibna ay ku soo deyso tubooyinka si ay falgal u samayso meesha ugxaantu ukuntaa ka soo deysey waxaa ku hara xuubkii dahaarayey ukunta kadib marka ukunta lagu soo daayo tubooyinka waa uu shuuqaa dahaarkaa si uu u soo diyaariyo ukun kale laakiin hadii uu shuuqi waayo waxaa gala biyo oo waxa uu noqdaa buro kadibna bararaa caadadana waa ay weysaa gabadha ay ku dhacdo xaaladaan.

Waxaa kale oo jira kuwo aan aad ubadnay oo ay keenaa xanuuno kale sida unugyada minka oo ku abuurma ugxaanta.


yaa ay ku dhici kartaa bura biyood

waxa ay ku dhici kartaa gabar waliba oo dhiiga caadada si wanaagsan u hesha, xaqiiqdu waxa ay tahay in haweeney waliba ee dhiiga si caadi ah u hesha ay bil waliba ku dhacdo bura biyood, laakiin ay iskeed u baaba'do.

Bura biyoodku kuma badna hooyooyinka dhiiga joojiyay ee da'da ah.


#Maxaa keena bura biyoodka

1.   Cilado ku yimaada hormoonada dhalmada maamula.

2.   Caabuqa minka

3.   Uurka cusub

4.   infectionka galmada ku faafa.


#Calaamadaha lagu garto bura biyood

Bura biyoodku sida badan calaamado sooma saarto laakiin hadii ay aad u bararto oo xaalad Qatar ah ay gaarto waxaa lagu gartaa.

1.   Calool xanuun

2.   Kafk xanuun ama gumaar xanuun

3.   Dhabar xanuun

4.   Xanuun xiliga isu taga lamaanaha

5.   Cayil farabadan

6.   Xanuun xiliga caadada

7.   Xili aan caada jirin dhiig xubinta ka yimaada

8.   Naasa xanuun

9.   Kaadida oo soo noqnoqota

10. Xanuun xilliga galmada


                #Sidee_loo_daweeyaa 

Bura biyoodka qaar waxa ay u baahdaan qaliin halka kuwa kalena loo isticmaalo dawooyin

Hadii buradu aad u bararto isla markaana bukaanku xanuun farabadan uu dareemayo isla markaana matag, wareer, calool xanuun, iyo neef qaad leeyahay waxaa loo sameeyaa qaliin mararka qaarna waa xaalad dagdag ah.

Laakiin hadii ay buradu yartahay bukaankuna xanuun aad u daran ku qabin waxaa lagu xaliyaa dawooyinka hormoonada saxa ama dhalmada lagu saxo ayada oo loo raaciyo dawooyinka hadba waxaa looga shakisanyahay sababta xanuunka

Share dheh si uu u gari asxaab badan ..

Post a Comment

3 Comments

  1. Msha llh wax badan ayaan ka faiday bura biyood ka khyr alha idin siyo

    ReplyDelete