Dhiig karka uurka : calaamadaha haliska ah & sida loo daaweeyo
By : [ BULSHOONLINE ]
Dhiig karka waa inta lagu jiro uurka waa xaalad caafimaad oo halis galin karto hooyada iyo ilmaha.
Waa muhiim in lafahmo sababah dhiig karka uurka , calaamadaha dhiigKarkauurka, iyo sida loo xakameeyo si loo hubiyo caafimaad wanaagsan.
Qormadaan waxaan si qoto dheer ooga hadli doonaa dhiig karka uurka iyo sida loola tacaalo .
MAXAA LAGU GARANAYAA DHIIG KARKA UURKA ?
Dhiig karka ( hypertension ) waa marka cadaadiska dhiiga uu aad u kordho. Haddii uu ku dhaco haweeneey uur leh, waxaa loo yaqaanaa dhiig karka uurka (gestational hypertension ) ama pre-eclampsia haddii eey dhibaatooyin kale la socdaan .
Waxaa muhiim eh in la ogaado in dhiig karka uurka uu halis ku keeni karo caafimaadka hooyada iyo ilmaha haddii aan si sax ah loola Socon dhiig karka uurka.
NOOCYADA DHIIG KARKA UURKA
1. DHIIG KARKA HORE EE UURKA (CHRONIC HYPERTENSION)
Haddii haweeyneeyda eey horey u laheed dhiig kar ka hor inta eeysan uurka qaadin ama uu ka muuqdo 20-ka toddobaad ee ugu horeeysa uurka ayaa loo yaqaanaa Chronic hypertension .
2. DHIIG KARKA UURKA
( gestational hypertension )
Tani waa marka dhiig karka uu bilaabmo kadib 20 toddobaad ee uurka , iyadoo aan lahelein wax calaamado kale ah sida protein kujira kaadida .
3. PRE-ECLAMPSIA
Tani waa xaalad halis ah oo dhacda marka dhiig karka uurka uu sareeyo , isla markaana eey kaadida ka muuqato protein. Waxeey keeni kartaa dhibaatooyin culus sida xanuunka kalyaha beerka iyo wadnaha.
sida ay sheegtay
https://www.who.int/health-topics/hypertension#tab=tab_1
4.ECLAMPSIA
Tani waa heerkii ugu xumaa ee dhiig karka uurka , waxaana lagu gartaa qandho , suuxdin , iyo dhibaatooyin kale.
waa xaalad Degdeg ah oo ubaahan in si degdeg ah loogu daaweeyo isbitaalka.
MAXAA KEENO DHIIG KARKA UURKA?
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara dhiig karka uurka kuwaas oo ay kamid yihiin =
- Dhaxal (Genetics) _ haddii qooyskaagu ay horey u lahaayeen dhiig kar , waad u nugushahay.
- DA'da hooyada _ haweenka da'dooda ka weeyntahay 35 sano ama kayar 20 sano ayaa halis ugu jiro.
- Culeyska badan (Obesity)_ miisaanka xad dhaafka ah wuxuu korhdin karaa halsita dhiig karka .
- Uur hore oo dhiig kar kugu dhacay _ haddii horey kuugu dhacay dhiig kar adoo uur leh , markale waad unugushahahy .
- Cunno aan caafimaad lahayn _ cuntooyinka cusbada badan leh , baruurta xun ,iyo cabitaanka sokorta badan waxeey sari uqaadaan dhiig karka.
- Jimicsi la'aan _ dhaqdhaqaaq la'aantu waxeey sababi kartaa dhiig kar.
CALAAMADAHA LAGU GARTO DHIIG KARKA UURKA
Waa muhiim in haweeneeyda uurka leh ay lasocoto calaamadaha dhiig Karka .
Calaamadaha ugu caansan waxaa kamid ah :
Madax xanuun daran oo joogto ah.
Indhaha oo mugdi kusoo dhacaayo ama aragga oo daciifa.
Caloosha sare oo xanuun leh.
gacmaha, wajiga iyo lugaha oo barara ( edema ).
Wadnaha oo si xad dhaaf ah u garaacma.
Neefsashada oo kugu adkaato.
Kaadida oo is badasho, gaar ahaan haddii Protein laga helo.
Daal farabadan ama jirka oo tabar darro dareemo.
Haddii aad isku aragto calaamadahaan, waa muhiim inaad isla markiiba la xiriirto dhakhtar.
DHIBAATOOYINKA DHIIG KARKA UURKA
Dhiig karka uurka haddii aan si sax ah loola tacaalin wuxuu keeni karaa dhibaatooyin halis ah kuwaas ooy kamid yihiin =
1.DHIBAATOOYINKA HOOYADA
Fashionable kilyaha- kalyaha uma shaqeen karaan si sax ah.
Dhibaatooyinka beerka-beerka ayaa dhaawacmi kara.
Qaliinka ( C-Section ) - haddii dhiig karkaagu uu aad u sareeyo waxaa ku qasbanaan doontaa qalliin, si ilmaha loo badbaadiyo.
2. DHIBAATOOYINKA ILMAHA
Ilmo dhicis ah- (preterm birth)-dhiig karka sareeyo wuxuu sababi karaa in ilmaha ladhalo isagoo aan dhameestirmin.
Ilmo yar oo miisaankiisu hooseeyo -dhiig karku wuxuu sababi karaa dhiig baxa ilma galeenk, taasoo yareeyneeyso koritaanka ilmaha.
Khaladaadka maskaxda - ilmaha waxaa kudhuci karo dhibaatooyin maskaxeed haddii dhiig karka hooyada uu aad u sareeyo.
SIDEE LOO YAREEN KARAA DHIIG KARKA UURKA ?
haddii aad uur leedahay ama aad qorsheeneeyso Inaad uur yeelato, waxaa jiro dhoowr tilaabo oo kaa caawin kara yareenta halista dhiig karka =
ISKA ILAALI CUNTOOYINKA CUSBADA BADAN
Cusbadu waxeey kor u qaadaa cadaadiska Dhiigga, sidaa darteed Cuntooyinka cusbada Leh sida cuntooyinka warshadeesan waa in laga fogaadaa .
2.CAB BIYO BADAN
Biyuhu Waxeey kaa caawinaayaan dheecaanka jirka inuu si sax ah u shaqeeyo , sida eey sheegtaay =
https://www.mayoclinic.org/
taasoo yareeneeyso fursadda dhiig karka.
3. SAMEE JIMICSI FUDUD
Dhaqdhaqaaqa Joogtada ah wuxuu caawin karaa inuu xakameeyo cadaadiska Dhiiga .
( akhri maqaalka = https://bulshoonline.blogspot.com/2025/02/sida-sonkorta-loo-daaweeyo-waxyaalaha.html )
4.XAKAMEEY WALWALKA IYO CADAADISKA MASKAXDA
Isdaji oo sameey farsamooyin Nasasho ah sida yoga, mediation ama socod dheer.
5.LA TASHO DHAKHTARKAAGA
Markaad uur leedahay waa muhiim inaad si joogto ah oo la socoto dhakhtarkaaga si dhiig karka loo hubiyo.
GUNAANAD
Dhiig karka uurka waa xaalad ubaahan feejignaan iyo daaweeyn sax ah si loo badbaadiyo hooyada iyo ilmaha . Haddii aad uur leedahay ama aad qorsheeyneeyso inaad uur qaado , iska hubi inaad raacdo talooyinka caafimaadka si aad u yareeso halsita dhiig karka.
Haddii aad isku aragto calaamado muujinaayo dhiig Kar sareeya, ha sugin isla markiiba la xiriir dhakhtar .
Caafimaadkaaga iyo kan ilmahaaga ayaa mudnaanta Koowaad ah.
MA QABTAA SU’AALO
Haddii aad wax aa'aalo ah qabto fadlan noogu reeb faallo , waxaa kuu soo bandhigi doonaa talooyin dheeraad ah .


1 Comments
Thanks
ReplyDelete