■ Caanaha iyo Malabka oo la isku daro - iyo Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo.
Caanaha dabiiciga ah waa mid ka mid ah cabitaannada ugu nafaqada badan ee uu bini’aadamku isticmaalo.
Waxay hodan ku yihiin nafaqooyin kala duwan sida Calcium, fiitamiinnada, barootiinada, iyo macdanaha kale oo muhiim u ah jirka.
Caanuhu waxay si gaar ah faa’iido ugu leeyihiin lafaha, muruqyada, iyo dheefshiidka.
■ Caanaha Geela iyo Nafaqadooda =
Caanaha geela waxaa loo yaqaannaa cunto dhammaystiran, waayo waxay ka kooban yihiin dhammaan nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah jirka.
Dadka baadiyaha weey ku noolaan karaa caanaha geela oo keliya, maadaama ay ka buuxaan maaddooyin caafimaad u leh jirka.
Taasi waa sababta geellaydu ay caanaha u cabbaan inta badan iyagoo aan cunto kale u baahnayn.
■ Malabka iyo Qiimihiisa Caafimaad=
Malabku waa cunto dabiici ah oo hodan ku ah faytamiinnada, macdanaha, iyo asiidhada Amino ( amino acids ).
Waxa uu leeyahay awood liddi ku ah bakteeriyada, dulinka, iyo jeermiska.
Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in malabka uu yahay cunto fudud, oo aan lahayn dufan iyo kalooris badan, sidaa darteed waxaa lagu taliyay in maalin kasta la qaato malqacad malab ah.
■ Maxay tahay faa'iidada caanaha iyo malabka la isku daro?
Waa kuwaan faaiidooyinka ugu muhiimsan =
1. Tamar iyo Firfircooni =
Cabitaanka koob caano ah oo lagu daray malab subaxdii waxa uu kordhiyaa tamartaada.
Malabka waxa ku jira Carbohydrates si deg deg ah u kordhiya tamarta, halka caanuhu bixiyaan barootiin oo xoojiya muruqyada.
2. Dheefshiid Wanaagsan =
Isku-darka malabka iyo caanaha wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka.
Malabka waxa ku jira maadooyin "prebiotics" ah oo kobciya bakteeriyada faa'iidada u leh caloosha. Tani waxay ka hortagtaa calool istaagga iyo dheefshiidka gaabiska ah.
3. Caafimaadka Lafaha =
Caanuhu waa isha ugu weyn ee Calcium-ta, taas oo lafaha xoojisa.
Malabka waxa ku jira maaddooyin fududeeya in jirku uu si sahlan u nuugo Calcium-ta, taasoo sare u qaadaysa caafimaadka lafaha.
4. Daawaynta Calool Istaagga =
Haddii aad qabto calool istaag, isku darka caanaha iyo malabka waxa uu kaa caawin karaa dheefshiidkaga inuu wanaagsanaado.
Malabka waxa ku jira dheecaan burburiyeyaal cunto oo ka caawiya caloosha in ay si sahlan cuntada u dheefshiido.
Waxaa lagu taliyaa in caano diirran oo malab leh la cabo kahor hurdada si loo daaweeyo calool istaagga.
5. Ka Hortagga Calaamadaha Duqnimada =
Caanaha iyo malabka waxa ku jira maadooyin la dagaallama "free radicals" kuwaas oo sababa gabowga xawaaraha sare leh.
Isku darkaan waxa uu dib u dhigi karaa calaamadaha gabowga sida laalaabyada maqaarka iyo daalka.
6. Daawaynta Qufaca iyo Xanuunka Dhuunta =
Malabku waxa uu leeyahay awood liddi ku ah bakteeriyada iyo jeermiska. Cabista caanaha kulul oo lagu daray malab waxa ay caawisaa dhimista qufaca iyo daawaynta xanuunka dhuunta.
Malabka waxa uu jilciyaa dhuunta wuxuuna ka caawiyaa xabeebta.
7. Daawaynta Walwalka iyo Xasiloonida Maskaxda =
Isku darka caanaha iyo malabka waxa uu yareeyaa heerka hormoonka "cortisol" oo sabab u ah walwalka iyo stress-ka.
Cabitaanka caanaha malabka leh waxa uu dejinayaa neerfayaasha maskaxda, wuxuuna hagaajinayaa hurdada.
8. Xusuusta iyo Foojignaanta =
Malabku waxa uu wanaajiyaa awoodda xusuusta, waxa uu hoos u dhigaa walwalka, waxaana uu kor u qaadaa shaqada maskaxda.
Caanaha iyo malabka la isku daro waxay xoojiyaan awoodda xusuusta iyo maskaxda.
9. Ka Hortagga Infekshannada Caloosha =
Malabka waxa ku jira maaddooyin awood u leh in ay la dagaallamaan bakteeriyada keenta infekshannada caloosha.
Caanaha waxa ku jira dheecaan burburiyeyaal caafimaad u leh dheefshiidka, taas oo caawinaysa in jirka laga ilaaliyo cudurrada caloosha.
10. Hurdo Wanaagsan =
Malabka waxa uu kordhiyaa hormoonnada caawiya hurdada, halka caanuhu ay dejiyaan neerfayaasha.
Isku darka caanaha iyo malabka waxa uu qofka ka caawiyaa in uu hurdo fiican helo, gaar ahaan haddii uu la ildaran yahay hurdo la'aan.
● Gunaanad●
Cabitaanka caanaha iyo malabka isku dhafan waa hab dabiici ah oo lagu xoojin karo caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Waxay si weyn uga fiicanyihiin lafaha, dheefshiidka, maskaxda, iyo tamarta qofka.
Sidaas darteed, haddii aad rabto caafimaad wanaagsan, waxa fiican in aad caado ka dhigato cabitaanka caanaha malabka leh, gaar ahaan subaxdii ama kahor hurdada.
Plz share dheh .
.webp)
1 Comments
Maclumad faaiido badan waaye shukran
ReplyDelete